Al Shabaab Oo Muqdisho ku dishay Saraakiil Katirsanaa Madaxtooyada iyo Booliska.

Tuesday July 16, 2019 - 20:47:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Muqdisho ku dishay Saraakiil Katirsanaa Madaxtooyada iyo Booliska.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaas oo lala beegsaday saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kuwaas oo lala beegsaday saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.


Maanta gelinkii dambe ayay xoogag hubeysan xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa madaxtooyada Villa Somalia.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogagga dilka geystay ay horay usii qaateen Mooto uu watay sarkaalka ladilay oo darajadiisa ciidan aheyd laba Xidigle.

Goob joogayaal ayaa sheegay in sarkaalka ladilay oo lagu magacaabi jiray Cumar Coloow uu Meydkiisu in mudda ah yiillay goobtii lagu dilay, dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa degmada Dharkeynleey ku dilay sarkaal katirsan ciidamada Booliska kaas oo magaciisa lagusoo gaabiyay Xidigoow Cumar dhegajuun.


Dhammmaan dilalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ee afka xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items