Markab ay leedahay dowladda Imaaraatka Carabta oo lagu qafaashay Marin Biyoodka Hormuz.

Wednesday July 17, 2019 - 11:40:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab ay leedahay dowladda Imaaraatka Carabta oo lagu qafaashay Marin Biyoodka Hormuz.

    Wararka ka imaanaya mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe ayaa sheegaya in markale Markab ganacsi lagu qafaashay biyaha Khaliijka oo xiisada colaadeed ay ka aloosanyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe ayaa sheegaya in markale Markab ganacsi lagu qafaashay biyaha Khaliijka oo xiisada colaadeed ay ka aloosanyihiin.


Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in markab shidaal siday oo ay leedahay lagu la'yahay Marin biyoodka lagu magacaabo Hormuz oo kaabiga ku haya dowladda shiicada Iiraan.

Wakaaladda wararka AP oo soo xiganaysa mas'uul katirsan dowladda dabadhilifka Imaaraatka carabta ayaa sheegtay in markabka oo uu ka babanayay calanka dowladda Baanama lawaayay laba maalmood ka hor islamarkaana aan la ogeyn halka loola dhaqaaqay, dowladda dabadhilifka Imaaraatka carabta waxay sheegtay in xilligii markabka laweynayay uusan dirin wax kaalma weydiisasha ah oo muujinaysa in dhibaato uu lakulmay.


dhinaca kale mas'uul uhadlay dowladda  Mareykanka ayaa sheegay in ay qabaan shaki ah in dowladda Iiraan ay qafaalatay markabka shidaal ee laga leeyahay wadanka isku tagga imaaraatka carabta.

qQfaalashada markabkan ayaa kusoo aadaysa xilli xiisada colaadeed ay kajiraan marin biyoodka Hormuz oo ay isku hayaan dowladda shiicada Iiraan iyo dowladaha dawaaqiidda khaliijka iyo Mareykanka oo isku dhinac ah waxaana laga cabsi qabaa in haddii dagaal uu ka dhaco Marin biyoodkan ay hakad geli doonaan inta badan maraakiibta ganacsiga adduunka oo marin biyoodkan isticmaala.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items