Dad Shacab ah oo ku dhintay Weerar ka dhacay deegaan katirsan Sh/dhexe.

Wednesday July 17, 2019 - 11:57:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Shacab ah oo ku dhintay Weerar ka dhacay deegaan katirsan Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro dad shacab ah lagu dilay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro dad shacab ah lagu dilay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.


Wararka ka imaanaya deegaanka Xaanshooleey ee duleedka magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dablay hubeysan oo xiriir laleh maamulka Hirshabelle ay weerar ku qaadeen gaari ay dad shacab ah la socdeen oo ka amba baxay Muqdisho kunasii jeeday deegaanno Sh/dhexe.

Ugu yaraan sedax qof oo laba kamida ay dumar yihiin ayaa ku dhintay rasaasta ay maleeshiyaadku xalay ku fureen gaariga rakaabka ah, Meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa saaka lagasoo qaaday deegaanka Xaanshooleey waxaana lageeyay Isbitaalka guud ee Jowhar.


dhinaca kale laba qof ayaa dhimatay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay maleeshiyaad hubeysan ku dagaallameen deegaan kuyaal inta udhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, iska hor'imaadka dhimashada sababay ayaa yimid kadib markii laba qoys uu dhaxmaray murun dhuleed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items