Al Qaacidda Oo si adag u beenisay War uu faafiyay Telefeshinka Al Jazeera.

Thursday July 18, 2019 - 11:30:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidda Oo si adag u beenisay War uu faafiyay Telefeshinka Al Jazeera.

    Bayaan kasoo baxay Ururka Al Qaacidda Faraciisa dhulka Jaziiradda Carabta gaar ahaan dalka Yemen ayaa lagu beeniyay warar ishaacaad ah oo uu laba habeen ka hor baahiyay Telefeshinka Al Jazeera ee dowladda Qadar ay maalgeliso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan kasoo baxay Ururka Al Qaacidda Faraciisa dhulka Jaziiradda Carabta gaar ahaan dalka Yemen ayaa lagu beeniyay warar ishaacaad ah oo uu laba habeen ka hor baahiyay Telefeshinka Al Jazeera ee dowladda Qadar ay maalgeliso.


Al Qaacidda waxay si adag ubeenisay sheegashada Al Jazeera ee ah in Al Qaacidda ay ku lug laheyd weeraro lagu qaaday mucaaradka dowladda Baxreyn ee Shiicada ah "Waxaan si dhammeystiran u beeninaynaa waxa uu buun buuniyay telefeshinka Al Jazeera ee dowladda qadar leedahay ee ah in Qaacidatul Jihaad ay cilaaqaad laleedahay xukuumadda Baxreyn" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Qaacidada Jaziiradda Carabta.

Barnaamijka Maa Khafifa Acdam ee ka baxa Telefeshinka Al Jazeera ayaa lagusoo qaatay Nin udhashay dalka Baxreyn oo lagu sheegay in uu xubin ka yahay Ururka Jihaadiga Alqaacidda  islamarkaana uu sirdoonka xukuumadda Manaamah ay uxilsaaray maleeggidda shirqoollo ka dhan ah mucaaradka Baxreyn.


Al Qaacidada Jazeerrada Carabta waxay bayaankeeda ku sheegtay in Telefeshinka Al Jazeera uu caado ka dhigtay ka been sheegidda mujaahidiinta isagoo doonaya in uu raalli geliyo Donald Trump oo sayid u ah dowladaha dawaaqiidda Carabeed.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Telefeshinka Al Jazeera uu warar been ah ka sheego Al Qaacidda isagoo isku dayaya in khilaafka kala dhaxeeya Qadar Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ku riixo jamaacadan Jihaadiga ah oo caan ku ah in ay la dagaallanto Mareykanka iyo xulufadiisa carbeed.

Related Items