Sawirro: 23 Qof Japanes ah ayaa ku dhintay Dab ka kacay Magaalada Kyoto.

Thursday July 18, 2019 - 12:34:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 23 Qof Japanes ah ayaa ku dhintay Dab ka kacay Magaalada Kyoto.

    Tobanaan qof ayaa dhintay kuwa kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dab xooggan uu ka kacay dhisme kuyaal mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn wadanka Japan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof ayaa dhintay kuwa kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dab xooggan uu ka kacay dhisme kuyaal mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn wadanka Japan.


Wararka ka imaanaya dalka Japan ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qof ay dhinteen halka tobaneeyo kale ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii uu dab kakacay istuudiyo kuyaal magaalada Kyoto ,saraakiisha booliska ayaa warbaahinta u sheegay in dabku uu kacay goob lagu sameeyo Filimada gacan ku sameyska ah ee dhaqaaqa.

Telefeshinka Afka dowladda Japan ku hadla ayaa baahiyay muuqaal muujinayay dabka oo gabi ahaanba ku faafay dhismaha istuudiyaha waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan dadkii shaqaalaha ahaa ee ku dhax sugnaa.

 

Saraakiisha Booliska Japan ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin 41 sana jir ah oo loo malaynayo in uu gacan ka geystay dabka, wararku waxay sheegayaan in ninkan oo watay caag basiin uu kujiro gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac ah islamarkaana su'aalo laweydiinayo.

Lama oga in dabkan khasaaraha badan dhaliyay uu ka dhashay koronto qaldantay iyo in uu ka dhashay weerar Bani'aadam gacmihiisa ku sameeyay.



Related Items