Dowladda Iiraan Oo Xaqiijisay in ay gacanta ku dhigtay Markab Shidaal.

Thursday July 18, 2019 - 20:25:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Iiraan Oo Xaqiijisay in ay gacanta ku dhigtay Markab Shidaal.

    Taliska ciidanka Kacaanka Iiraan ayaa xaqiijiyay in uu gacanta ku hayo Markab shidaal oo maalmahan lagu la'aa biyaha gacanka Khaliijka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Kacaanka Iiraan ayaa xaqiijiyay in uu gacanta ku hayo Markab shidaal oo maalmahan lagu la'aa biyaha gacanka Khaliijka Carabta.


Bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Iiraan ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ilaalada ka haya gacan biyoodka Hormuz ay gacanta ku dhigeen Markab sida in kabadan 2 Malyan oo Liitar nafta ah.

Howlgal ka dhacay Jaziiradda Laark ayay ciidamada Iiraan ugu suurtagashay in ay ku qabtaan Markabkan oo Talaadadii lasoo dhaafay ay dowladda Imaaraatka Carabta sheegtay in uu ka diiwaan gashanyahay dalkeeda, Xukuumadda Tahran waxay sheegaysaa in ay su'aalo weydiinayso illaa 12 qof oo kamid ah shaqaalaha Markabka.


"Ciidamada ilaalada Kacaanka ayaa gacanta ku dhigay Markab si sharci darra ah shidaal uga daabulayay xeebaha Iiraan waxaana haynaa 12 kamid ah shaqaalaha Markabka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Iiraan.

Mas'uul u hadlay xukuumadda Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in lawaayay Markabka islamarkaana uusan soo dirin wax dalab kaalma weydiisasho ah, dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadday dowladda iiraan ay tahay mid burcadnimo ah islamarkaana ay dhibaata ugeysan karto maraakiibta ganacsiga ee isaga kala gooshta marin biyoodka Hormuz.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items