Dowladda Iiraan oo qafaalatay Markab laga leeyahay Wadanka Ingiriiska.

Saturday July 20, 2019 - 10:54:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Iiraan oo qafaalatay Markab laga leeyahay Wadanka Ingiriiska.

    Waxaa sii xoogeystay loolanka melleteri ee ka jira marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz kaas oo ay marayaan inta badan maraakiibta gacansiga ee caalamka isaga kala gooshta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay loolanka melleteri ee ka jira marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz kaas oo ay marayaan inta badan maraakiibta gacansiga ee caalamka isaga kala gooshta.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ilaalada kacaanka dowladda Shiicada Iiraan ayaa qafaashay illaa laba markab oo laga leeyahay dhanka dalka Ingiriiska balse goor dame ayaa lasii daayay mid kamida maraakiibta laqafaashay.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ciidamada badda Iiraan ay gacanta ku dhigeen markab lagu magacaabo Stena Impero xilli uu marayay marin biyoodka Hormuz.

Jeremy Hunt oo ah wasiirka arrimaha dibadda UK ayaa warbaahinta u sheegay in ay bad qabaan 23 qof shaqaale ah oo markabka laqafaashay la socday balse aysan ogeyn sababta Iiraan ay uqafaalatay markabkooda.


Afhayeen u hadlay xukuumadda Iiraan ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan markabka balse faah faahin dheeri ah mabixin.

Tallaaban ay Iiraan ku qafaalatay Markabka Ingiriiska ayaa jawaab celin u ah qafaal horraantii bishan ay dowladda Ingiriiska ku sameysay markab shidaal siday oo Iiraan ay leedahay xilli uu marayay marin biyoodka Jabalu daariq.

Ismariwaaga udhaxeeya Iiraan iyo reergalbeedka ee ku aaddan cunaqabateymaha Mareykanku kusoo rogay shidaalkeeda ayaa lafilayaa in uu dhaliyo saameyn dhaqaale iyo mid amni oo caalami ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items