Dowladda Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Uga digtay in ay usafraan dalka Masar.

Sunday July 21, 2019 - 10:14:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Uga digtay in ay usafraan dalka Masar.

    Qaar kamid ah dowladaha reergalbeedka ayaa soo saaray digniino dhanka amniga ah oo ku wajahan muwaadiniintooda usafraya wadanka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah dowladaha reergalbeedka ayaa soo saaray digniino dhanka amniga ah oo ku wajahan muwaadiniintooda usafraya wadanka Masar.

Laba kamid ah shirkadaha duulimaadyada ugu waaweyn qaaradda Yurub ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah ay ujoojiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen magaalooyinka wadanka Masar.

Shirkadda British Airways ayaa go'aan ku gaartay in muddo isbuuc ah aysan usafri doonin wadanka Masar sababa dhanka amniga ah, farriimo ay British Airways udirtay macaamiisheeda ayay ugu sheegtay in digniino dhanka amniga ah oo ay heshay aawgeed ay go'aansatay in muddo isbuuc ah aysan uduuli karin wadanka Masar.


Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda UK ayaa iyana uga digtay muwaadiniinteeda in ay usafraan wadanka Masar, dhinaca kale shirkadda duulimaadyada dalka Jarmalka ayaa iyana hakisay dhammaan safarradii ay ku tagi jirtay magaalada Al Qaahira iyo magaalooyinka kale ee Masar.

Xukuumadda Cabdi Fataax Alsiisi ee Masar ayaa ka carootay digniinahan ay soo saareen shirkadaha reergalbeedka waxayna ku andacootay in ammaanka wadanka uu yahay mid sugan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items