Ciidamada Kenya Oo dad Shacab ah ku dilay deegaanka Raaskaamoobi Ee Jubbada Hoose.

Monday July 22, 2019 - 09:37:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya Oo dad Shacab ah ku dilay deegaanka Raaskaamoobi Ee Jubbada Hoose.

    Ciidamada dowladda Kenya ee xoogga ku jooga deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa markale xasuuq ugeystay dad shacab ah oo aan waxba galabaysan xilli Kenyaatigu sare uqaadeen tacadiyada ka dhanka ah shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Kenya ee xoogga ku jooga deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa markale xasuuq ugeystay dad shacab ah oo aan waxba galabaysan xilli Kenyaatigu sare uqaadeen tacadiyada ka dhanka ah shacabka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Raaskaambooni ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Meleteriga Kenya ay halkaas ku dileen sedax qof shacab ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay si bareer ah utoogteen laba ruux xilli ay la socdeen gaari rakaab ah, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay dadka shacabka gaariga kala degeen kadibna ay dileen.

Dilka kadib ayay ciidamada gummeysiga Kenya waxay gubeen gaarigii ay la socdeen labada qof ee ladilay, markii falkaas bahalnimada ah dhacay ayay shacabka ku dhaqan deegaanka Raaskaambooni waxay dhigeen dibad baxyo ballaaran.


Dad ka caraysan falka foosha xun ee ciidamada Kenya ay geysteen ayaa xoog ku galay saldhigyada Melleteriga KDF ee deegaanka Raaskaambooni waxaana lamaqlayay rasaas ay Kenyaatigu u adeegsanayeen shacabka caraysan.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada gummeysiga Kenya ay dad shacab ah ku xasuuqeen gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose oo ay duullaan kusoo qaadeen dabayaaqadii sanaddii 2011.

Related Items