Ciidamada Al Shabaab oo isku fidiyay deegaanno dhaca duleedka Muqdisho.

Monday July 22, 2019 - 11:10:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo isku fidiyay deegaanno dhaca duleedka Muqdisho.

    Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro hor leh ka fuliyay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro hor leh ka fuliyay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gudaha magaalada Muqdisho.

Xalay fiidkii ayay ciidamada Al Shabaab howlgallo ballaaran ku qaadeen deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidamada Al Shabaab ayaa la wareegan wadada laamiga ah ee xiriirisa deegaannada Carbiska iyo Ceelasha Biyaha ee Sh/Hoose.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ay muddo saacada ah ku sugnaayeen deegaanka Carbiska illaa iyo Lafoole halkaas oo ay ugu muxaadareeyeen dadka deegaanka.

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka oo gurmad ahaan ugasoo baxay deegaanka Ceelasha Biyaha ayuu weerar dhabbagal ah ku qabsaday halka loo yaqaan Xaawa Cabdi waxaana halkaas ka dhacay iska hor'imaad in mudda ah socday.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadii gurmadka ahaa lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan Ceelasha Biyaha taas oo keentay in xoogaga Al Shabaab ay muddo saacada ah kusii sugnaadaan Carbiska iyo Lafoole.

Dhinaca kale sarkaal katirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa, gaari uu watay sarkaalka ayuu qarax ku haleelay xaafadda Madiina balse sarkaalka ayaa qaraxa ka fakaday halka uu dhaawac soo gaaray mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada waxyana weeraradaan kusoo aadayaan xilli ay dhiigbax dhaqaale iyo mid melleteri ay wajahayaan ciidamada shisheeye iyo kuwa maamullada dabadhilifyada ah ee la shaqeeya

Related Items