15 askar iyo Saraakiil Nabad Sugid ah oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho ka dhacay [Warbixin].

Monday July 22, 2019 - 19:03:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    15 askar iyo Saraakiil Nabad Sugid ah oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho ka dhacay [Warbixin].

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta ka dhacay koontarool laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta ka dhacay koontarool laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho.

Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii naf hurnimo ee Al Shabaab ay ku beegsatay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaartay 15 askari halka dhaawacu uu sii caga cagaynayo 20, ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil sarsare oo katirsan Nabad sugidda ay kamid yihiin ciidamada qaraxa lagu dilay.

Qaar katirsan saraakiisha lagu dilay weerarka ayay warbaahinta islaamiga ah heshay magacyadooda waxaana kamid ah Sanweyne Isxaaq Caddoow oo katirsanaa saraakiisha Nabad sugidda, iyo nin sarkaal ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Khaliif.


Sidoo kale saraakiishii ku dhintay qaraxii maanta waxaa kamid ah sarkaal  ku magac dheeraa  Dawaco oo kamid ah saraakiisha maleeshiyaadka Yuusuf Indha Cadde, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in askarta dhaawacantay ladhigay isbitaallo gaar ah oo ay gacanta ku hayso dowladda Federaalka.

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa imaanaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho ay si aad ah u adkeeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka islamarkaana laxiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada soo gala.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items