Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Garoonka diyaaraaha degmada Buula Burde.

Monday July 22, 2019 - 19:17:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Garoonka diyaaraaha degmada Buula Burde.

    Waraka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka maamulka Hirshabelle ku lahaayeen mid kamida degmooyinka gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waraka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka maamulka Hirshabelle ku lahaayeen mid kamida degmooyinka gobolkaasi.

Weerar xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay garoonka diyaaradaha macmalka degmada Buula Burde ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Wararka laga helayo Buula Burde ayaa xaqiijinaya in ciidamada Al Shabaab ay weerar kedis ah ku qaadeen gudaha garoonka magaalada gaar ahaan saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada ilaalada ka haya garoonka.

Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in weerarka lagu dilay islamarkaana xoogaga Al Shabaab ay weerarka ku fureen hubkii ay wateen askarta ladilay oo ahaa laba qori AK47 ah iyo booshashkoda.


Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay horay usii qaateen Mooto iyo agabyo kale oo ay lahaayeen ciidamada lagu weeraray garoonka diyaaradaha degmada Buura Burde

Related Items