10 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.

Tuesday July 23, 2019 - 14:33:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    10 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar xooggan oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax gaari looga gubay ciidamada Itoobiya
Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar xooggan oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in qarax xoogan uu maanta barqadii ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Yurkud iyo degmada Luuq, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu haleelay kolonyo Itoobiyaan ah oo ka amba baxay gobolka Baay kunasii jeeday Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaari nuuca ciidamada xambaara ah oo ciidamada Itoobiya wateen, qaraxa kadib ayaa lamaqlay rasaas aad u xooggan oo ka dhacaysay goobta balse lama oga in iska hor'imaadyo fool ka fool ah dhaceen iyo inkale.


Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ugu yaraan 10 askari Itoobiyaan ah sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab.

Ciidamaa gummeysiga Itoobiya ee maanta weerarka lakulmay ayaa shalay sahay ugelbiyay saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Yurkut ee kala qeybiya gobollada Gedo iyo Baay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items