Weeraro khasaara lagu gaarsiiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay Sh/Hoose.

Tuesday July 23, 2019 - 11:53:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro khasaara lagu gaarsiiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen goob isbaaro ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka.

Weerarka oo ka dhacay halka loo yaqaan Mukayga ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca mid kale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta goobtii lagu dagaallamay ayna qabsadeen gaari Kaarib ah oo ay lahaayeen ciidamada dowladda.


Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Qoryooleey ee Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray kolonyo katirsan ciidamada AMISOM xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Mashallaay, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa lala beegsaday ciidamada  AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items