2 Askari Jabuutiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay degmada Buulo Barde.

Tuesday July 23, 2019 - 19:57:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Askari Jabuutiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay degmada Buulo Barde.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ku qaaday ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM kuwaas oo ka howlgala gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo Jabuutiyaan ah
Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ku qaaday ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM kuwaas oo ka howlgala gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Buula Barde ayaa sheegaya in qarax xooggan uu maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha macmalka degmadaasi, qaraxa oo lala eegtay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti ayaa dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay in 2 askari Jabuutiyaan ah ay ku dhinteen qaraxa, wararka ayaa intaas ku daraya in markii qaraxu dhacay kadib ay ciidamada Jabuuti hawada ka saareen isgaarsiinta degmada Buula Barde.


Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa maanta barqadii lagu qaaday diyaarad xamuul ah oo u rarneed ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi, dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaraddu ay weerar loo adeegsaday madaafiicda lidka diyaaradaha ay kala kulantay Al Shabaab balse lamasoo sheegin waxyeello gaartay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items