Xarakada Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda howlgal Ka Dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Wednesday July 24, 2019 - 19:53:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 6 1
  • Share via Social Media

    Xarakada Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda howlgal Ka Dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

    War goordhow kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda howlgal qorsheysan oo galabta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare xooggan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

James Swan iyo Eng Yariisoow oo kawada qeyb gelayay kulan muhiim ah
War goordhow kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda howlgal qorsheysan oo galabta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare xooggan.


Afhayeenka ciidanka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Idaacada Andalus u sheegay 'in Mujaahidiintu' ay howlgal si heer sare loo abaabulay ka fuliyeen gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaas oo ay ku dileen cadow fara badan.

Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa madaxa UN u jooga Soomaaliya, ninka lagu magacaabo James Swan, kaasoo halkaas uga qeyb galayey kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan cadowga.



Eygeyga Q.Midoobay uqaabilsan Soomaaliya ayaa si dirqi ah kaga bad baaday weerarka, waxaana la sheegay inuu goobta ka tagay daqiiqado un ka hor inta uusan howlgalku dhicin.

Ilo wareedyo ay heshay SoomaaliMeMo ayaa tilmaamaya in dadka dhintay badankood ay ahaayeen madaxda iyo saraakiisha maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo ka qeyb galayey kulanka halkaas ka socday.

Related Items