Fallaagada Xuuthiyiinta oo 8 Askari Sacuudiyaan ah dilay.

Thursday July 25, 2019 - 11:06:42 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fallaagada Xuuthiyiinta oo 8 Askari Sacuudiyaan ah dilay.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Sacuudiga lagu gaarsiiyay dagaallo xooggan oo ka dhacay dacalka Koonfureed ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Sacuudiga lagu gaarsiiyay dagaallo xooggan oo ka dhacay dacalka Koonfureed ee wadankaasi.



Wararka ka imaanaya wadanka Sacuudiga ayaa sheegaya in weeraro hor leh oo maleeshiyaadka Xuuthitiinta ay ku beegsadeen gobolka Caseyr ay ku dhinteen ku dhowaad 10 askari oo katirsan Melleteriga Sacuudiga.

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxaha Xuuthiyiinta ayay ku sheegeen in 8 askari oo katirsan ciidamada ilaalada xuduudaha ay ku dileen weerar gaadma ah oo ka dhacay mandiqadda Caseyr "dagaalyahanadeena ayaa joojiyay isku day taqadum ah oo ciidamada calooshood ushaqeystayaasha Sacuudiga ay ka sameyn lahaayeen dhanka xuduudaha gobollada Najraan,Jaazaan iyo Caseyr" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wakiillada Iiraan ee dalka Yemen.



Dhimashada 8-da askari ee Sacuudiyaanka ah majirto cid xaqiijin karta illaa iyo haddana xukuumadda Riyadh mabeenin mana xaqiijin, dhinaca kale duqeymo loo adeesaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan ayaa lagu qaaday garoonka Melleteri ee Boqor Khaalid "waxaan soo riday diyaarad aan duuliye laheyn oo Xuuthiyiintu ay usoo direen dhanka magaalada Khamiis Mashiid" ayaa lagu yiri war uu soo saaray isbaheysiga Sacuudigu hoggaaminayo.

Taxaalufka Carbeed ee ay ku mideysanyihiin dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga ayaa wajahaya dib udhac ballaaran oo ku saabsan dagaalka wadanka Yemen waxaana muuqata iyo kooxaha fallaagada Xuutihiinta ay dagaalka urareen meelo ka baxsan dhulka Yemen.

Related Items