Dowladda Tuunis Oo Ku dhawaaqday Geerida Qaayed Beeji Sabsi Madaxweynihii Wadanka.

Thursday July 25, 2019 - 13:43:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Tuunis Oo Ku dhawaaqday Geerida Qaayed Beeji Sabsi Madaxweynihii Wadanka.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda calmaaniga ah ee Wadanka Tuunis ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Al Qaayed Beeji Sabsi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda calmaaniga ah ee Wadanka Tuunis ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Al Qaayed Beeji Sabsi oo ahaa madaxweynihii wadankaasi.

Wararka ka imaanaya dalka Tuunis ayaa xaqiijinaya in Isbitaal Melleteri uu ku dhintay Sabsi oo ahaa 92 sana jir muddo shan sanadood ah soo maamulayay wadankan dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Tuunis ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu udhintay cudur maalmihii lasoo dhaafay lagala tacaalayay, madaxweynahan halaagsamay ayaa caan ku ahaa shareeca diidnimo iyo dhaqan gelinta qawaaniinta reergalbeedka


Al Qaayed Beeji Sabsi ayaa wasiir kasoo noqday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Calmaanigii Xabiib Boorqiiba oo mar madaxweyne kasoo noqday wadanka Tuunis.

Madaxweynahan dhintay ayaa intii talada hayay wuxuu mamnuucay in wadanka lagu dhaqo shareecada Islaamka, in raggu guursadaan waxkabadan hal xaas iyo in dumarku xirtaan Niqaabka marka ay ku suganyihiin goobaha Waxbarashada iyo goobaha ganacsiga.

Sabsi ayaa ahaa madaxweyne calmaani shareeca diid ah oo uceysan dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka, geeridiisa waxaa ku farxi doono muslimiinta shareeca doonka ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan reer Tuunis oo uu ciriiri dhanka diinta ah ku hayay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items