Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamada Itoobiya lagula Eegtay Duleedka magaalada Kismaayo.

Thursday July 25, 2019 - 19:37:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamada Itoobiya lagula Eegtay Duleedka magaalada Kismaayo.

    Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaq dhaqaaq ka waday deegaano dhaca duleedka Kismaayo ayaa lala eegtay qaraxyo xooggan kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaq dhaqaaq ka waday deegaano dhaca duleedka Kismaayo ayaa lala eegtay qaraxyo xooggan kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.


 

Qaraxyada oo gaarayay illaa labo qarax mid ka mid ah waxaa lala helay gaadiid ay wateen ciidamada Xabashida Itoobiya sida ay sheegayaan ilo wareedyo laga helay duleedka Kismaayo waxaana jira waxyeelo xoogan ayaana gaartay ciidamada labeegsaday.

 

midka labaad oo daqiiqado oo kaliya ka dambeeyay qaraxii hore ayaa isna lala helay ciidamo kale oo kusoo xoomay gaariga la qarxiyay si ay u daabulaan meydadka iyo dhaawacyada sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Al Shabaab oo lahadlay Idaacadda Andalus.



 

Gaari Ambalaas ah iyo mid kale oo Uraal ayaa meydadka ciidamada Xabashida u qaaday dhanka Kismaayo halkaas oo ay soo caga dhigatay diyaarad kasoo duushay magaalada Baydhabo oo ah halka uu ku yaallo taliska ugu weyn ee ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Soomaaliya.

 

Illaa iyo hadda tiro rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha dhimasho iyo midka dhawac ee ka dhashay qaraxyadii maanta lama hayo waxayna Kolonyadii cadowga ee halkaas falalka arbushaada ah ka waday oo ka koobnaa ilaa 28 gaari ay dib ugu gurteen dhanka magaalada Kismaayo oo markii horaba ay kasoo dhaqaaqeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items