XOG MUHIIM AH: Maxaa Loo Adeegsaday Weerarkii Ka Dhacay Xarunta Maamulka G/Banaadir?.

Thursday July 25, 2019 - 20:02:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    XOG MUHIIM AH: Maxaa Loo Adeegsaday Weerarkii Ka Dhacay Xarunta Maamulka G/Banaadir?.

    Warar is khilaafsan ayaa tan iyo maalintii shalay kasoo baxayay waxa loo adeegsaday howlgalkii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho, iyadoona ilaa hadda oo xilliga weerarka laga joogo wax ka badan 24

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar is khilaafsan ayaa tan iyo maalintii shalay kasoo baxayay waxa loo adeegsaday howlgalkii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho, iyadoona ilaa hadda oo xilliga weerarka laga joogo wax ka badan 24 saacadood aysan dowladu war rasmi ah ka soo saarin waxa uu ahaa weerarka iyo nooca hubka loo adeegsaday.


Xog gaar ah oo ay SomaliMeMo ka heshay gudaha Xarakada Al-Shabaab ayaa tibaaxaysa in howlgalkaas loo adeegsaday maaddo qaraxda oo lagusii diyaariyay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir sida ay noo sheegeen saraakiil ka gaabsaday magacyadooda oo katirsan taliska ciidanka Al-Shabaab.


Sarkaal ka tirsan taliska ciidanka ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in uu qaraxu ku diyaarsanaa gudaha xarunta islamarkaana loogu talagalay in lagu beegsado wakiilka gaarka ah ee Q.Midoobay u jooga Soomaaliya ninka lagu magacaabo James Swan.

Balse cillado farsamo oo dhacay darteed wuxuu sarkaalku sheegay in ay maadadu qarxi weysay intii uu joogay wakiilka balse ay goordambe ku qaraxday saraakiisha maamulka gobolka Banaadir oo halkaas ku shirayay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyada weerarkan iyadoo tibaaxday in uu beegsanayey James Swan, wakiilka QM ee Soomaaliya kaas oo booqanayey xarunta maamulka gobolka Banaadir waxaana qaraxaas ku hoobtay saraakiishii maamulka gobolka Banaadir ee halkaas ku qaabilay Danjiraha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items