Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax lagula Beegsaday deegaan Ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Saturday July 27, 2019 - 11:38:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.6/5 Stars) Total Votes: 5
  • 5 1
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax lagula Beegsaday deegaan Ka tirsan Gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar khasaasra dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee xooggan ku jooga bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar khasaasra dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee xooggan ku jooga bartamaha Soomaaliya.


Qarax ayaa lala beegsaday cidamo Itoobiyan ah oo ku sugnaa goob koontorool ah oo ku taallla deegaanka Halgan, Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu kax dhax qarxay goob ay ku kulansanaayeen ciidamo farabadan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ciidamada Itoobiya kasoo gaaray qaraxa, rasaas fara badan ayay ciidamada Itoobiya rideen daqiiqado kadib markii laweerar, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen hal amabalaas iyo 2 gaari oo dhaawacyo iyo dhimasho u qaadaya dhanka xerada ay magaalada geeskeeda ka deganyihiin ciidamada Itoobiya.


Bishaan gudaheeda ayay dhowr jeer weeraro isugu jira qaraxyo iyo dhabagal lakulmeen ciidamada Itoobiya ee xoogga ku jooga deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items