Ciidamada Jabuuti iyo Maleeshiyaad katirsan Maamulka Hirshabelle oo lagu Weeraray Hiiraan.

Sunday July 28, 2019 - 11:59:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Jabuuti iyo Maleeshiyaad katirsan Maamulka Hirshabelle oo lagu Weeraray Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale weeraro xooggan ay lakulmeen ciidamada Jabuuti ee magaca AMISOM ku jooga degmooyin katirsan gobolkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale weeraro xooggan ay lakulmeen ciidamada Jabuuti ee magaca AMISOM ku jooga degmooyin katirsan gobolkaas.

Xalay saqdii dhexe ayay ciidamada Al Shabaab weeraro ku mireen saldhigyada ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin galbeedka iyo bariga degmada Jalalaqsi, daryanka rasaasta iyo madaafiic lays dhaafsanayay ayaa xalay laga maqlay gudaha degmadaasi.

Dhinaca kale weerar dhabagal ah ayay lakulmeen maleeshiyaad katirsan maamulka Hirshabelle xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Maxaas iyo Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya.


Sidoo kale weeraro xooggan ayaa xalay lagu qaaday maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee saldhigga ku leh deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items