Mas'uuliyiin Katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo udhintay dhaawacyo soo gaaray.

Sunday July 28, 2019 - 13:59:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin Katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo udhintay dhaawacyo soo gaaray.

    Qaar kamid ah mas'uuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ee ku dhaawacmay xarunta dowladda hoose ayaa udhintay dhaawacyadii kasoo gaaray qaraxii lala beegsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah mas'uuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ee ku dhaawacmay xarunta dowladda hoose ayaa udhintay dhaawacyadii kasoo gaaray qaraxii lala beegsaday.


Wararka laga helayo Isbitaalka Digfeer ayaa sheegaya in uu geeriyooday Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir kana mid ahaa saraakiishiisida aadka ah ugu dhowaa Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Max'med Cabdullaahi Caaqil oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir ayaa xalay ku geeriyooday gudaha Isbitaalka Digfeer, dhinaca kale mid kamida mas'uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu dhaawac ugu dhintay Isbitaal kuyaal magaalada Dooxa ee wadanka Qadar.


Waxaa laga dayrinayaa xaaladda mas'uuliyiinta ku dhaawacmay qaraxii Arbacadii lasoo dhaafay ay Al Shabaab ka geysteen xarunat dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items