4 Qof American ah oo ku dhintay Toogasho ka dhacday Gobolka California.

Monday July 29, 2019 - 12:02:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Qof American ah oo ku dhintay Toogasho ka dhacday Gobolka California.

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in markale toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhacday mid kamida gobollada ugu waaweyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in markale toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhacday mid kamida gobollada ugu waaweyn wadankaasi.


Ugu yaraan Afar qof ayaa dhintay 15 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii nin hubeysan uu toogasho aan loo meel dayin ka geystay goob ay ka socotay xaflad lagusoo bandhigayay cuntooyin kala duwan oo maxalli ah.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in nin ku jira da'da sodomeeyada uu toogashada geystay kadibna uu isaga baxsaday goobta, guddoomiyaha degmada Gilroy oo qiyaastii 48 KM ujirta magaalada San Jose ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay toogteen ninkii toogashada geystay.


Guddoomiyaha gobolka  California ayaa warbaahinta u sheegay in 11 qof oo kamid ah dadkii dhaawacmay ay xaaladooda caafimaad aad uliidato waxaana loo qaaday Isbitaallo kuyaal magaalada Washington.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal muujiyay xilligii ay toogashadu dhacaysay waxaana la arkayaa dadka oo isaga firxanaya goobta iyo ninka hubeysan oo si naxariis darra ah ulaynaya dadkii ku sugnaa xafladda.

Dalka Mareykanka waxaa bil walba ka dhaca toogashooyin laayaan ah oo ay geysnayaan gaangiistarro gaala ah oo naftooda nacay, arrintan waxaa loo aanaynayaa hubka oo gacmaha ugu jira Shacabka American-ka, maamulkii Brack Obama ayaa mar go'aamiyay in laxadido hubka gacanta shacabka kujira balse maamulka Donald Trump ayaa tallaabadaas ganafka ku dhuftay.

Related Items