Dowladda Burundi Oo Xaqiijisay in 6 Askari looga dilay Weerarkii Cag marinta ahaa Ee Al Shabaab ay ka fulisay duleedka Balcad.

Monday July 29, 2019 - 19:03:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Burundi Oo Xaqiijisay in 6 Askari looga dilay Weerarkii Cag marinta ahaa Ee Al Shabaab ay ka fulisay duleedka Balcad.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Burundi ayay ku xaqiijisay in ciidamo badan looga dilay weerarkii aadka u xooganaa ee billaawgii isbuucaan ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Burundi ayay ku xaqiijisay in ciidamo badan looga dilay weerarkii aadka u xooganaa ee billaawgii isbuucaan ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha dhexe.



Afhayeen Melleteri oo u hadlay dowladda Burundi ayaa sheegay in ugu yaraan 6 askari looga dhigay weerar dhabbagal ah oo ciidamada Al Shabaab ay u dhigeen ciidamo Burundeys ah xilli ay ku sugnaayeen duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe.

Colonel Floribert Biyereke oo ah Afhayeenka ciidamada Burundi oo maalintii Axadda warbaahinta kula hadlayay magaalada Bujumbura ayaa yiri "Xoogag katirsan Xarakada Argagaxisada Al Shabaab ayaa weeraray ciidamo Burundiyiin ah oo qeyb ka ah AMISOM xilli ay ku sugnaayeen degmada Balcad oo 30 KM dhanka waqooyi bari uga beegan magaalada Muqdisho" .



Wuxuu intaas sii raaciyay in 6 askari looga dilay weerarka islamarkaana weerarka ay ku waayeen 2 askari oo ay la'yihiin halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Mas'uulkan u hadlay dowladda Burundi wuxuu carabaabay in dagaalkii aadka u xooganaa ee maalintii Sabtiga ciidamadooda ku qabsaday duleedka degmada Balcad ay si xun ugu dhaawacmeen illaa iyo sedax askari oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo.

Goor sii horraysay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijiyay in weerar cagmarin ah ay ku dileen ugu yaraan 10 askari Burundeys ah oo qaar kamid ah meydadkooda lagu arkay goobta dagaalka halka kuwii badbaaday ay ku firxadeen dhulka howdka ah.

Burundi oo ah dalka labaad ee ciidamada ugu badan ay ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa ka sheeganaysa weeraro aad u xooggan oo uga imaanaya Xoogaga Al Shabaab, badanaa ciidamada Burundi ayaa marka ay ku socdaalayaan wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad waxay lakulmaan weeraro toos ah iyo qaraxyo gaadiid looga gubo.

Related Items