Melleteriga Suudaan oo 8 qof Shacab ah toogasho ku dilay.

Tuesday July 30, 2019 - 16:13:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Suudaan oo 8 qof Shacab ah toogasho ku dilay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada melleteriga wadankaas ay markale gummaad ugeysteen shacabka rayidka ah ee dibad baxyada ka dhigaya wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada melleteriga wadankaas ay markale gummaad ugeysteen shacabka rayidka ah ee dibad baxyada ka dhigaya wadankaasi.

Toogasho ay ka geysteen magaalada Al-Abyad ciidamada loo yaqaan falcelinta degdegga ah ee qaabka ashahaada ladirirnimo utababaran ayaa sababtay geerida ugu yaraan 8 qof oo dibad baxayaal ah.

Dadka la Xasuuqay ayaa iskusoo baxyo ay uga cabanayaan dib udhaca ku yimid adeegyada aas-aasiga ah ka dhigayay waddooyinka magaalada balse mar qura ayay xasuuq aan loo meel dayin kala kulmeen ciidamada dowladda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dadka dhintay ay ubadanyihiin ardayda wax ka dhigata iskuullada iyo jamaacadaha magaalada, Afhayeen u hadlay kooxda xuriyadda iyo isbedelka Suudaan ee mucaaradka ah ayaa si kulul ucambaareeyay gummaadka ay ciidamada melleteriga ka geysteen magaalada Al-Abyad.


Wuxuu sheegay in tallaabadan ay dib udhac ugeysan karto wadahadalladii kala dhaxeeyay golaha melleteriga ee inqilaabka melleteri talada kula wareegay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items