NATO Oo Xaqiijisay in Askar American ah lagu dilay toogasho ka dhacday Wadanka Afghanistan.

Tuesday July 30, 2019 - 16:25:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    NATO Oo Xaqiijisay in Askar American ah lagu dilay toogasho ka dhacday Wadanka Afghanistan.

    Wadanka Afghanistan waxaa lagasoo sheegayaa in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo hor leh dhabarka loo saariyay isbahaysiga NATO ee hoggaaminayo duullaanka gardarrada ah ee wadankaas lagu qaaday waqti hadda laga joogo 18 sanadood ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Afghanistan waxaa lagasoo sheegayaa in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo hor leh dhabarka loo saariyay isbahaysiga NATO ee hoggaaminayo duullaanka gardarrada ah ee wadankaas lagu qaaday waqti hadda laga joogo 18 sanadood ka hor.



Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday gudaha saldhig melleteri oo ay ku sugnaayeen ciidamada NATO lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo u dhashay wadanka Mareykanka.


War kooban oo kasoo baxay isbaheysigan ayaa lagu sheegay in askari katirsan ciidamada xukuumadda Kaabuul uu toogtay laba askari American ah balse faah faahin dheeri ah lagama bixin qaabka uu weerarku dhacay.

NATO waxay warbixinteeda ku sheegtay in waqti hadda laga joogo 7 bilood gudaha Afghanistan looga dilay 14 askari kuwaas oo ku dhintay weerarada joogtada ah ee mujaahidiinta Taliban ay ka geysanayaan wadanka.



Qoraal kooban oo imaarada islaamiga ah kasoo baxay ayay ku bogaadisay weerarka uu askariga afghaniga ah ku dilay askarta shisheeye, tirada cidamada NATO ee ku dhaawacmay dagaalka Afghanistan tan iyo sanaddan 2019 ayaa lagu sheegay 60 askari balse wariyaasha iyo falanqeeyayaasha melleteriga waxay sheegayaan in tirada dhimasho iyo dhaawac ee NATO sheegtay ay intaas ka badantahay ayna gaarsiisantahay boqolaal dhimasho ah ah iyo dhaawaca kumanaan kale.

Related Items