Ciidamo Mareykanku Tababaray Oo dad Shacab ah ku Xasuuqay duleedka degmada Wanlaweyn.

Tuesday July 30, 2019 - 20:46:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykanku Tababaray Oo dad Shacab ah ku Xasuuqay duleedka degmada Wanlaweyn.

    Dhacdo argagax leh ayay ciidamada Bankrafta ee ka amar qaata Maraykanka ka geysteen deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo argagax leh ayay ciidamada Bankrafta ee ka amar qaata Maraykanka ka geysteen deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.



Duhurnimadii maanta ayay ciidamadan ku duuleen dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka Wanlaweyn xilli ay beerahooda ka shaqeysanayeen.

Ugu yaraan 6 ruux oo rag ah islamarkaana qaraabo isu wada ah ayay goobta ku dileen, iyagoona qaatay meydadkooda, horayna usoo kaxaystay qof kale.

Askartan ayaa kasoo duulay saldhigga uu Mareykanka ku leeyahay Ballidoogle oo u dhow Wanlaweyn, Nabadoon Cumar Jiiidane oo ah nabadoonka beesha Shanta Caleemood oo ay dadkan ehel dhow wada yihiin, tagayna tuulada uu gumaadku ka dhacay ayaan wareysanay.



Halkan Ka Degso Wareysiga Nabadoon Cumar Jiidane Nabadoonka Shanta caleemood

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items