Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic ah ku qaadday Saldhigga Ciidanka Kenya ee degmada Ceelwaaq.

Wednesday July 31, 2019 - 12:21:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic ah ku qaadday Saldhigga Ciidanka Kenya ee degmada Ceelwaaq.

    Wararka ka imaanaya xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada gummeysiga KDF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada gummeysiga KDF.

Saaka aroortii ayay xoogaga Al Shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen saldhigga ciidamada Melleteriga Kenya ee kuyaal duleedka degmada Ceelwaaq.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr madfac lala helay gudaha saldhigga ciidanka Kenya waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada laweeraray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda ka arkayeen qiic iyo uuro madoow oo cirka isku shareertay waxaana loo malaynayaa in ay gubteen qaar kamid ah teendhooyinka gudaha saldhigga uga dhisan ciidanka Melleteriga Kenya.


Waa markii 2aad oo weerar madaafiic ah uu la kulmo saldhigga ciidamada gummeysiga Kenya ee duleedka degmada Ceelwaaqo, maalmo ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale uu saldhigga weerar xooggan ugala kulmay Al Shabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items