Midowga Yurub Oo Jaray Kala bar qarashkii uu siin jiray ciidamada Kenya ee ku duulay Soomaaliya.

Wednesday July 31, 2019 - 20:12:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub Oo Jaray Kala bar qarashkii uu siin jiray ciidamada Kenya ee ku duulay Soomaaliya.

    Ururka Midowga Yurub ayaa maanta si rasmi ah u gu dhawaaqay in uu jaray kala bar lacagihii uu siinayay ciidamada dowladda Kenya ee duullaanka gardarrada ah ku jooga dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga Yurub ayaa maanta si rasmi ah u gu dhawaaqay in uu jaray kala bar lacagihii uu siinayay ciidamada dowladda Kenya ee duullaanka gardarrada ah ku jooga dalka Soomaaliya.


War qoraal ah oo kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in uu dhaqangal noqday go'aan uu horay usoo saaray oo ahaa in lacag dhan 4.3 Bilyan oo shilinka Kenya ah laga jaro askarta dowladda Kenya ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in qaraarkan uu dhaqan gal noqday laga bilaabo dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee June laguna wargeliyay madaxda dowladda Kenya iyo taliska ciidamada AMISOM ee maamula ciidamada shisheeye ee dalka duullaanka ku jooga.



Ururka Midowga Afrika ayaa sanad walba qasnadda AMISOM ku shubi jiray lacag dhan 8.5 Bilyan oo lacagta shilinka Kenya ah balse hadda ay kala bar jareen lacagihii ay ku maalgelin jireen ciidamada dowladda daalimadda Kenya ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

28-ka dowladood ee uu ka koobanyahay Midowga Yurub ayaa isku raacay in qeyb ahaan ay dhimaan qarashka ay siiyaan melleteriga Kenya waxaana horay udhaqan galay dhismis gaaraysay 20% oo ay ku sameeyeen lacagaha ay siiyaan dhammaan ciidamada shisheeye ee ku midaysan dalladda AMISOM balse go'aankan cusub ayaa kali ku ah ciidamada dowladda Kenya ee weerarada ba'an kala kulmaya Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Bishii Apriil ee lasoo dhaafay ayay xukuumadda Nairobi sheegtay in inta badan ciidamadeed ay kala baxayso dalka Soomaaliya marka lagaaro sanadda 2020 iyadoo ka digtay in ladhimo dhaqaalaha ku baxo ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Ciidamo gaaraya 4000 kun oo askari Kenyaan ah oo duullaan ku jooga dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa Q.Midoobay iyo waxa loogu yeero beesha caalamka lacago mushaar ah uga qaata kamid ahaashiyaha dallada AMISOM.

Askari walba oo katirsan melleteriga Kenya ayaa bishii mushaar uqaadan jiray lacag gaaraysa 10,028 dollar iyadoona xukuumadda Kenya ay ka jaran jirtay lacag dhan 200 oo dollar balse go'aanka cusub ee kasoo baxay Midowga Yurub ayaa baabi'inaya kala bar lacagihii ay qaabka calooshood ushaqeystanimo uqaadan jireen ciidamadan dhiig baxa ku wajahaya Soomaaliya.

Related Items