Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Oo Axmed Madoobe ku Eedeeyay dilkii Suldaan Cabdi Rashiid.

Thursday August 01, 2019 - 11:48:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Oo Axmed Madoobe ku Eedeeyay dilkii Suldaan Cabdi Rashiid.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo xalay magaalada Kismaayo loogu geystay mid kamida Odayaasha dhaqanka ee caanka ka ah gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Cabdi Rashiid ayaa lagu dilay Kismaayo
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo xalay magaalada Kismaayo loogu geystay mid kamida Odayaasha dhaqanka ee caanka ka ah gobolka Jubbada Hoose.



Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo loo malaynayo in ay daacad u yihiin maamulka Jubbalanad isku magacaabay ay dileen Suldaan Suldaan Cabdi Rashiid Muuse Durre.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saacad kadib markii toogashadu dhacday uu Suldaanku u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada sirdoonka maamulka Jubbaland ay dilka ka dambeeyeen kadib markii uu Suldaanku uu aad mucaaraday qaabka uu Axmed Madoobe uqaban qaabinayo doorashada madaxtinimada.


Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu mas'uul ka ahaa dilka Suldaan Cabdi Rashiid "Suldaan Rashiid waxaa lagu dilay qori AK47 ah, yaan ciidamada Jubbaland aheyn oo qori ku heysan karta Kismaayoā€¯ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow

Siyaasiyiin ku sugan magaalada Kismaayo ayaa walaac ka muujiyay xaaladooda ammaanka waxayna aaminsanyihiin in dilalka ka dhanka ah Odayaasha dhaqanka ee mucaaradsan Axmed Madoobe uu mas'uul ka yahay maamulka 'Jubbaland'.

Isbuucii lasoo dhaafay ayuu Suldaan Cabdi Rashiid Muuse ka hadlay warbaahinta wuxuuna aad udhaleeceeyay qaabka uu Axmed Madoobe wax umaamulayay wuxuuna ku eedeeyay in uu halis ku yahay qabsoomidda doorasho xur ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items