Xuuthiyiinta Oo Askar Badan ku laayay Duqeyn ka dhacday Koonfurta Yemen.

Thursday August 01, 2019 - 12:03:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuuthiyiinta Oo Askar Badan ku laayay Duqeyn ka dhacday Koonfurta Yemen.

    Tobanaan askar iyo saraakiil ah ayaa ku dhintay weerar loo adeegsaday saaruukh casri ah oo ka dhacay magaalada Cadan ee dhacda Koonfurta wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan askar iyo saraakiil ah ayaa ku dhintay weerar loo adeegsaday saaruukh casri ah oo ka dhacay magaalada Cadan ee dhacda Koonfurta wadanka Yemen.


Wararka ka imaanaya duleedka Cadan ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 askar iyo saraakiil ah ay dhinteen kadib markii diyaarad aan duuliye laheyn lagu weeraray saldhigga Melleteri ee Al Jalaa oo xilligaas uu bandhig ciidan ka socday.

Afhayeen u hadlay kooxaha Xuuthiyiinta ayaa warbaahinta u sheegay in ay dileen ugu yaraan 40 askari iyagoo adeegsanaya sawaariikh, wuxuu sheegay in ay beegsadeen wax uu ugu yeeray maleeshiyaad calooshood ushaqeystayaal ah oo daacad u ah isbaheysiga Sacuudigu hoggaaminayo.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha ku dhintay weerarka uu kamid yahay Jeneraal Muniir Al Yaafici oo ku magac dheeraa Abul Yamaamah kaas oo ahaa taliyaha ugu sarreeya maleeshiyaadka Al Xizaamul Amni ee dowladda Imaaraatka ay tababartay.

Sawirro iyo muuqaallo Video ah oo baraha Internetka lagu baahiyay ayaa muujinayay Meydadka askarta dhimatay oo dhulka daadsan iyo dab ka kacaya saldhigga melleteri ee Al Jalaa saacado kadib markii uu lakumay weerar xagga cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha kooxaha Xuuthiyiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items