Hoggaamiye katirsan Taliban oo ku shahiiday duqeyn ka dhacday Afghanistan.

Saturday August 03, 2019 - 20:42:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye katirsan Taliban oo ku shahiiday duqeyn ka dhacday Afghanistan.

    Mas'uul sare oo katirsan Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa lagu dilay duqeyn dhanka Cirka ah oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Marejkanka ay ka fuliyeen bartamaha wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul sare oo katirsan Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa lagu dilay duqeyn dhanka Cirka ah oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Marejkanka ay ka fuliyeen bartamaha wadanka Afghanistan.


Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa xaqiijinaya in duqeyn diyaaradeed uu ku shahiiday Mulla Cabdul Baari oo ahaa waaliga wilaayada Faraah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in diyaarad Drone ah ay duqeysay gaari uu la socday waaliga waxaana la shahiiday kaaliyihiisa iyo laba kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa.

Bayaanka Imaarada ayaa lagu sheegay in Mulla uu ahaa halyeey waqtigiisa ku bixiyay sidii kalimadda Alle unoqon laheyd, Imaarada ayaa ku goodisay in ay u aargudi doonto Waaligii Wilaayada faraah ee ku baxay gacanta dowladda Mareykanka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items