20 Qof American ah oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Wadanka Mareykanka.

Sunday August 04, 2019 - 08:57:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20 Qof American ah oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Wadanka Mareykanka.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay toogasho markale ka dhacday mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay toogasho markale ka dhacday mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Mareykanka.
Ugu yaraan 20 qof ayaa dhimatay 26 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii uu ruux hubeysan weerar toogasho ah ka geystay suuq laga tukaameysto oo kuyaal gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in Nin hubeysan oo 21 sana jir ah isagoo wata qori boobe ah uu toogasho ka geystay magaalada El Paso oo ku dhow xuduudda ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in nin hubeysan uu gudaha ugalay dukaank kuyaal suuqa Walmart kadibna uu toogasho aan kala sooc laheyn ugeystay dadkii dukaameysanayay.


Sawirro ay qaadeen Kaamirooyinka amniga waxaa kasoo muuqanayay nin dhalinyara ah oo toogasho ku geysanaya qori baad leh waxaa dhegaha ugu jiray sameecado, afhayeen u hadlay Booliska gobolka Texas ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ruuxa halaagga geystay islamarkaana ay su'aalo weydiinayaan.

Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa weerarkan 20-ka qof ku dhinteen ku tilmaamay mid fulaynimo isagoo ugu baaqay ciidamada Booliska in ay adkeeyaan ammaanka muwaadiniinta Americanka ah, sanad walba boqolaal qof ayaa gudaha Mareykanka ugu dhimata toogashooyin ay geysanayaan kooxaha Gaangiistarrada ah.

Related Items