Sawirro: Al Qaacidda Oo soo bandhigtay Raggii Fuliyay Weerarkii Askarta Faransiiska lagu laayay Ee ka dhacay Wadanka Maali

Sunday August 04, 2019 - 11:14:34 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Qaacidda Oo soo bandhigtay Raggii Fuliyay Weerarkii Askarta Faransiiska lagu laayay Ee ka dhacay Wadanka Maali

    Jamaacada Jihaadiga ah ee Ugargaaridda Islaamka iyo muslimiinta ayaa sheegatay mas'uuliyadda silsilado weeraro ah oo ka dhacay wadanka Maali oo kamid ah wadamada dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore hoggaanka Al Qaacidda ee Maali
Jamaacada Jihaadiga ah ee Ugargaaridda Islaamka iyo muslimiinta ayaa sheegatay mas'uuliyadda silsilado weeraro ah oo ka dhacay wadanka Maali oo kamid ah wadamada dhaca galbeedka qaaradda Afrika.


Bayaan kasoo baxay Al Qaacidada dhulka Saxaraha qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid ay fuliyeen dagaalyahanno naftood hurayaal ah lagu beegsaday saldhig melleteri oo ciidamada Faransiiska ah ay ku leeyihiin magaalada Gaawa ee waqooyiga Maali.


Jacfar Al-Ansaari iyo Cabdi Jabaar Al Ansaari ayaa weerar xoog kugal ah ku daah furay hujuumka weyn ee lagu qaaday saldhigga ciidanka faransiiska kadibna waxaa xigay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay istish-haadi Shuceyb Al-Ansaari sida bayaanka lagu sheegay.


Weerarkan ka dhacay waqooyiga Maali waxaa lagu dilay sedax askari Faransiis ah sida ay qiratay xukuumadda Paris halka ay ku dhaawacmeen 6 sarkaal oo katirsan Dowladda Istooniya ee qeybta ka ah Ururka Midowga Yurub ee kaabaya duullaanka gardarada ah ee wadankaas lagu qaaday.

Col.Faardariik oo ah afhayeenka ciidanka qalabka sida ee faransiiska ayaa wakaaladda wararka AFP usheegay in weerarka lagu qaaday saldhigga ciidankooda loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay wuxuu sheegay in saldhigga laweeraray ay ku sugnaayee ciiidamo wadajir ah oo jinsiyado kala duwan leh oo ku midaysan howlgalka loogu magac daray barkhaan ee ka dhanka ah mujaahidiinta alqaacidda ee dhulka saxaraha qaaradda Afrika.

Weerarkan wuxuu imaanayaa maalmo kadib markii dowladda ingiriiska ay sheegtay in 250 askari ay uga qeyb qaadanayso duullaanka saliibiga ah ee wadanka maali ka socda, weerarada ay geysanayaan xoogaga  jihaadiga  jamaacada ugargaaridda islaamka iyo muslimiinta ayaa ah kuwa sii xoogeysanaya.

Dhinaca kale Al Qaacidada Maali waxay sheegatay mas'uuliyadda weerar qorshaysan oo lagu dilay sarkaal dabadhilif ah oo xiriir dhow lalahaa isbaheysiga Faransiisku hoggaaminayo ee duullaanka ku jooga wadanka Maali.

Ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada Nustarul Islaam Walmuslimiin ayaa khaarijiyay Mujrim Muusa Aag Ismaaciil oo ahaa isku xiraha kooxda MSA iyo ciidamada howlgalka Barkhan ee Faransiiska" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay faraca Al Qaacidda ee Maali.



Related Items