2 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Halgan.

Monday August 05, 2019 - 11:50:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Halgan.

    Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale qarax xooggan ku beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku gummeysiga ku jooga bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale qarax xooggan ku beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku gummeysiga ku jooga bartamaha dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ayaa sheegaya in jugta qarax xooggan laga maqlay goob ay ku socdaalayeen  ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee saldhigga ku leh deegaankaas.

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax aad u xooggan oo maanta barqadii lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee deegaanka  oo ciidamada Itoobiya ay ku socdaalayeen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari ay ku dhinteen qaraxa oo jugtiisa laga maqlay dhammaan deegaannada hoos yimaad deegaanka Halgan.



Goob joogayaal warbaahinta lahadlay daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan  waxaana la arkayay ciidamada Itoobiya oo xiraya dhammaan waddooyinka soo gala goobtii ay ku socdaalayeen ee qaraxu ku haleelay.

 
Bishii lasoo dhaafay ayay Al Shabaab qaraxyo miino iyo weeraro toos ah ku beegsatay Melleteriga Itoobiya ee saldhigyada ku leh deegaanka Halgan ee kala qeybiya degmooyinka Beled Weyne iyo Buula Burde.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items