Ugu yaraan 40 qof Shacab ah oo ku dhintay duqeyn Ka Dhacday Koonfurta dalka Liibiya.

Monday August 05, 2019 - 18:24:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ugu yaraan 40 qof Shacab ah oo ku dhintay duqeyn Ka Dhacday Koonfurta dalka Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in tobanaan qof oo shacab rayid ah lagu dilay weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday munaasabad aroos.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in tobanaan qof oo shacab rayid ah lagu dilay weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday munaasabad aroos.


Ugu yaraan 40 qof oo ubadan carruur iyo haween ayaa dhintay kadib markii diyaaradaha dagaalka dagaal Ooge Khaliifa Xiftar ay duqeeyeen goob munaasad Aroos ay ka socotay magaalada Murzuq ee dhacda Koonfur galbeed wadanka Liibiya.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarad Drone ah ay duqeyn ba'an ugeysatay isku imaatin shacbi waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan.


Isbitaalka guud ee magaalada Murzuq ayaa ladhigay tobanaan qof oo ku dhaawacmay duqeynta, Afhayeen u hadlay xukuumadda Alwifaaq ayaa ku eedeeyay Xiftar in uu mas'uul ka yahay Xasuuqii ka dhacay munaasabadda Aroos.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in duqeyntan ka dhacday magaalada Murzuq looga gol leeyahay sidii ehelka magaalada loogu cadaadin lahaa in ay isku dhiibaan maleeshiyaadka Khaliifa Xiftar oo dadaal ugu jira sidii ay uqabsan lahaayeen dhammaan magaalooyinka wadanka Liibiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items