Hindiya oo gobolka Kashmiir ku darsatay dalkeeda iyo Pakistan oo Cambaaraysay.

Tuesday August 06, 2019 - 11:53:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hindiya oo gobolka Kashmiir ku darsatay dalkeeda iyo Pakistan oo Cambaaraysay.

    Dowladda Hindiya ayaa sare uqaadday cadaadiska ay saarayso dadka muslimiinta ee ku dhaqan gobolka Kashmiir oo ay gummeysi ku heysato ku dhowaad 80 sanadood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Hindiya ayaa sare uqaadday cadaadiska ay saarayso dadka muslimiinta ee ku dhaqan gobolka Kashmiir oo ay gummeysi ku heysato ku dhowaad 80 sanadood.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Hindiya ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba gobolka Jaamuu oo ah qeybta ay Hindiya ka heysto Kashmiir lagu biiriyay gobollada kale ee Hindiya taas oo ka dhigan in si rasmi ah uu cadowgu u ixtilaalay mandiqadda uuna ku darsaday dalkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda  Hindiya ninka lagu magacaabo Amiit Shaah ayaa baarlamaanka Federaaliga ah ka hor sheegay in lalaalay oo la joojiyay maadada 370 aad ee dastuurka wadankaas oo dhigaysay in ismaamul hoosaad uu yeesho gobolka Kashmiir.


Hindiya waxay sheegtay in dadka muslimiinta ee gobolkan kunool lagu dhaqi doono qaanuunka guud ee dalka kajira, wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweynaha Hindiya uu durbadiiba ansixiyay isbedelladan dhanka maamulka ah ee looga dhawaaqay gobolka Kashmiir.

Tallaabadan ayaa u ogolaanaysa dadka Hinduuska iyo kirishtaanka ah in ay deegaameysi ku sameeyaan dhulalka muslimiinta ayna ka dhistaan macaabid iyo kaniisado dheeraad ah, sidoo kale go'aankan cusub ayaa ciriiri dhan walba ah sii gelinaya dadka muslimiinta ah ee markii horaba gummeysiga kujiray.

Tobanaan kun oo kamid ah ciidamada Melleteriga Hindiya ayaa loo daad gureeyay gobolka Kashmiir ee ixtilaalka kujira waxaana go'an  dhammaan isgaarsiinta taleefannada, afhayeen u hadlay dowladda  Hindiya wuxuu sheegay in ay xaalad feejignaan ah kujiraan ayna ka baqayaan weeraro uga yimaad jamaacaadka jihaadiga ah.

Waa markii ugu horraysay oo 70 sanadood kadib ay dowladda Hindiya iclaamiso in gobolka Kashmiir ay umaamulayso sida dhul ay iyadu leedahay halka markii hore ay si khaas ah ugumeysanaysay muslimiinta.

Dhinaca kale dowladda Pakistan ayaa si kulul ucambaaraysay tallaabada ay Hidniya qaadatay ee ah in gobolka Kashmiir ay si rasmi ah u hoos geysay xukunka New Delhi kajira, labadan dowladood ayaa muddo sedax jeer ah ku dagaallamay gobolka Kashmiir ee muslimiintu leeyihiin.

Related Items