Bakhaaro Hubka lagu keydiyo oo ku qarxay wadanka Ruushka.

Tuesday August 06, 2019 - 21:00:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bakhaaro Hubka lagu keydiyo oo ku qarxay wadanka Ruushka.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ruushka ayaa sheegaya in dab xooggan oo qabsaday saldhigyo melleteri uu sababay qaraxyo iyo barakac ay sameynayaan kumanaan qoys.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ruushka ayaa sheegaya in dab xooggan oo qabsaday saldhigyo melleteri uu sababay qaraxyo iyo barakac ay sameynayaan kumanaan qoys.

Qaraxyo is xigxigay ayaa laga maqlay degmada Achainsky kadib markii dab xooggan uu ka kacay dhowr bakhaar oo lagu keydiyo rasaasta iyo gantaallada garbaha laga gemo.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa amar ku bixisay shacabka laga daad gureeyo tuulooyinka ku dhow saldhigyada qaraxyadu ka dhaceen, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen qolac iyo qiic ka baxaya goobta dabku ka kacay oo gabi ahaanteedba ah aag melleteri.

Ugu yaraan Afar qof ayay soo gaareen dhaawacyo ubadan gubasho, wakaaladda wararka Interfax ee afka dowladda Ruushka ku hadasha ayaa sheegtay in 40 tan oo rasaas iyo madaafiic ah ay ku gubteen dhowr bakhaar oo hubka lagu keydiyo.


Diyaaraha dab damiska ayaa la arkayay iyagoo biyo ku sayraya goobta dabku ka kacayo balse kuma guuleysan in ay dabka damiyaan.

Related Items