Al Shabaab oo Weeraray ciidamo huwan ah oo duullaan ku qaaday degmada Awdheegle

Tuesday August 06, 2019 - 21:06:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weeraray ciidamo huwan ah oo duullaan ku qaaday degmada Awdheegle

    Ciidamo huwan jinsiyo kala duwan leh oo duullaan ku qaaday degmada Awadhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa maanta lakulmay weeraro kala duwan ee khasaara dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo huwan jinsiyo kala duwan leh oo duullaan ku qaaday degmada Awadhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa maanta lakulmay weeraro kala duwan ee khasaara dhaliyay.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weeraro xooggan ku qaadeen ciidamo huwan ah oo shalay kasoo dhaqaaqay garoonka diyaaradaha Balidoogle una jiheystay dhanka degmada Awdheegle oo qiyaastii 70 Km ujirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay  dhowr jeer ciidamadan iswata ku weerareen intii habqankoodu marayay wadada xiriirisa Tooratooroow iyo Awdheegle balse lama oga khasaaraha ka dhashay.


Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada huwanta ah ay gudaha ugaleen Awdheegle ayna caawa halkaas ku hoyanayaan, ciidamadan oo ubadan kuwa Dowladda Federaalka ee Banagraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray waxaa gelbinayay gaadiid qafilan oo ay wataan saraakiil tababarayaal American ah waxaana dhanka cirka ka ilaalinayay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan.

Dabayaaqadii bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayay sidaan oo kale ciidamo huwan ah waxay duullaan ugu qaadeen deegaanka Bariire halkaas oo ay kula kulmayaan weeraro joogta ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items