Xoogaga Al Shabaab Oo Weeraro qorshaysan ku qaaday ciidamada Huwanta ah ee qabsaday degmada Awdheegle.

Wednesday August 07, 2019 - 20:04:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al Shabaab Oo Weeraro qorshaysan ku qaaday ciidamada Huwanta ah ee qabsaday degmada Awdheegle.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay dib uga qarxeen deegaanno hoos yimaad degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan Al Shabaab
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay dib uga qarxeen deegaanno hoos yimaad degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye.


Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta gelinkii dambe weeraro ku ekeeyay saldhigyo ay ciidamo huwan ah ka sameysteen banaanka degmada Awdhgeele ee Sh/Hoose, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal culus uu labada dhinac ku dhaxmaray banaanka magaalada.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka rasaasta iyo madaafiic ay labada dhinac is dhaafsanayeen, warar hordhac ah waxay sheegayaan in xoogaga Al Shabaab ay usuurtagashay in ay gubaan gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen maleeshiyaadka dowladda gaar ahaan kuwa Bangaraafta ee Mareykanku tababaray.


Ciidamadan huwanta ah ee weerarada kala kulmaya Al Shabaab ayaa shalay duullaan ku qabsaday degmada Awdhgeele waxaana muuqata in uu ku bilaawday dagaalka ku dhufo ee ka dhaqaaq oo ay caanka ku yihiin xoogaga jihaadiga ah meel walba oo ay joogaan.

Dhinaca kale Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weeraro qorshaysan ku qaaday saldhigyada ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Bariire, dadka deegaanka waxay sheegeen in labada dhinac muddo daqiiqada ah ay rasaas is dhaafsanayeen balse lama oga khasaaraha nafeed ee ciidamada shisheeye kasoo gaaray weerarkii xalay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items