isku day Afgambi Melleteri oo ka dhacay Magaalada Cadan ee wadanka Yemen.

Thursday August 08, 2019 - 08:06:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    isku day Afgambi Melleteri oo ka dhacay Magaalada Cadan ee wadanka Yemen.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay magaalada Cadan oo ah caasimadda KMG ah ee wadanka Yemen halkaas oo ay isku hayaan kooxo qowlaysato xukun doon ah oo kala taabacsan isbaheysiga dowladaha Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay magaalada Cadan oo ah caasimadda KMG ah ee wadanka Yemen halkaas oo ay isku hayaan kooxo qowlaysato xukun doon ah oo kala taabacsan isbaheysiga dowladaha Carabta.


Wararka ka imaanaya Koonfurta wadanka Yemen waxay sheegayaan in iska hor'imaadyo xooggan ay ka dhaceen hareeraha xarunta madaxtooyada magaalada Cadan halkaas oo duullaan ballaaran ay ku qaadeen maleeshiyaad daacad u ah dowladda Imaaraatka Carabta.

Ilo wareedyo iyo dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaad gooni ugoosad ah oo ay tababartay dowladda Imaaraatka ay dhowr jiho ka weerareen qasriga madaxtooyada magaalada Cadan ee lagu magacaabo Al Macaashiiq halkaas oo xarun u ah xukuumadda taakta daran ee uu madaxda ka yahay Cabdi Rabihi Haadi Mansuur.


Dagaalka oo muddo saacada ah qaatay waxaa ku dhintay 2 kamid ah maleeshiyaadka taageersan dowladda Imaaraatka iyo mid kamida ciidamada ilaalada ka haya qasriga madaxtooyada ee laweeraray.

Sarkaal u hadlay xukuumadda dabadhilifka Yemen ayaa sheegay in ay si adag isaga difaaceen kuwa uu ku tilmaamay gooni ugoosata doonaysa in ay xukunka qaab melleteri kula wareegaan.

Xaafadda lagu magacaabo kareetar oo uu kuyaal qasriga madaxtooyada ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq melleteri waxaana laga cabsi qabaa in dagaalladu ay dib uqarxaan, Haani Bin Bareek oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha KMG ah ee Koonfurta Yemen ayaa ku baaqay in xoog lagu galo xarunta madaxtooyada.

Saraakiisha xukuumadda Cabdi Rabih Haadi Mansuur ayaa ku eedaynaya dowladda Imaaraatka Carabta in ay doonayso dhisidda maamul goooni ugoosad ah iyo rididda xukuumadda taakta daran ee aqoonsiga ka heysata waxa loogu yeero beesha caalamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items