Weerar Hubaysan oo lagu qaaday Hoyga Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Thursday August 08, 2019 - 08:36:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hubaysan oo lagu qaaday Hoyga Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

    Mas'uul katirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa isku day dil ka badbaaday kadib markii weerar lagu qaaday hoygiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul katirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa isku day dil ka badbaaday kadib markii weerar lagu qaaday hoygiisa.



Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraray guriga guddoomiyaha degmada Jalalaqsi iyo saldhigga ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmadaasi.

Wararka ka imaanaya  Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya  in ciidamada Al-Shabaab ay mar qura weerareen labadaasi bartilmaameed oo dacalka isku haya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in iska hor'imaadka laysku adeegsaday hubka fudud iyo mid culus waxaana magaalada laga maqlay hugunka rasaastii lays dhaafsanayay.



Wararka ayaa intaas ku daraya in xilligii uu wararku dhacayay ay guriga ku sugnaayeen  gudoomiyaha degmada Jalalaqsi  iyo ku xigeenkiisa balse lama oga in wax yeello gaartay iyo in kale.

Ciidamada Jabuuti ee dhankooda weerarka aadka u xooggan lakulmay waxay dagaalka uga qeyb qaadanayeen boobayaan iyo madaafiic ay kasoo ridayeen dhufaysyadooda iyo bartanka xerada ay uga suganyihiin degmada Jalalaqsi.

Xoogaga Al Shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay sidaan oo kale weeraro aad uxooggan ugu qaaday saldhigyo melleteri oo kuyaal Bariga iyo galbeedka iyo degmada Jalalaqsi waxaana weeraradaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamada Jabuuti.

Related Items