Xoogaga Al Shabaab Oo si Nabad gelya ah kula wareegay deegaanka Haluuqa ee Gobolka NFD.

Thursday August 08, 2019 - 11:53:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al Shabaab Oo si Nabad gelya ah kula wareegay deegaanka Haluuqa ee Gobolka NFD.

    Weerar hor leh oo khasaara maaliyadeed dhaliyay ayay xoogaga Al Shabaab ka fuliyeen gudaha dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hor leh oo khasaara maaliyadeed dhaliyay ayay xoogaga Al Shabaab ka fuliyeen gudaha dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gummeysato.

Wararka ka imaanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay xoog ku galeen deegaanka Haluuqa ee hoos yimaad Gaarisa islamarkaana kaabiga ku haya xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka kadib markii ay ciidamada Booliska iyo Melleteriga Kenya  isaga firxadeen deegaanka iyagoo aan wax iska hor'imaad ah lagelin Al Shabaab.


War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in habeen hore ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Haluuqa "Mujaahidiinta ayaa howlgal ku qaaday deegaanka Haluuqa ee dhulka muslimiinta  NFD, ciidamadii gaalada Kenya cagaha ayay wax ka dayeen markii ay arkeen mujaahidiinta waxaana halkaas dab lagu qabad siiyay xarun ay laheyd shirkadda isgaasiinta Kenya"ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa xaqiijisay weerarkan ka dhacay deegaanka Haluuqa, waa weerarkii ugu horreeyay ee bishaan gudaheeda ay Al Shabaab ka fuliso deegaannada NFD.

Al Shabaab ayaa weeraro dhiigbadan ku daatay ka fulinaysay gudaha dalka Kenya tan iyo markii ay melleteriga dowladda Kenya ku biiraan duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya sanaddii 2011.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items