Maleeshiyaadka DF oo Baardheere ku toogtay Haweeneey ay ku eedeeyeen in ay soo weerartay.

Thursday August 08, 2019 - 14:08:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka DF oo Baardheere ku toogtay Haweeneey ay ku eedeeyeen in ay soo weerartay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka halkaas ku sugan ay toogteen qof dumar ah taas oo ay ku eedeeyeen in ay weerar kusoo qaaday saldhigga booliska degmada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka halkaas ku sugan ay toogteen qof dumar ah taas oo ay ku eedeeyeen in ay weerar kusoo qaaday saldhigga booliska degmada.


Mas'uuliyiin u hadlay maamulka Baardheere ayaa sheegay in qoftan dumarka ah ay qarax kusoo weerartay saldhiga iyadoo halkaas ku dhaawacday qaar kamid ah maleeshiyaadki ku sugnaa kadibna ay toogasho ku dileen.

Dad ku sugan degmada Baardheere ayaa dhankooda sheegay in ay maqleen rasaas ka dhacday dhanka saldhigga kadibna la arkay qof haweeneey ah oo ay maleeshiyadu goobta ku dileen.


Maydka qofka haweenta ah ayaa in mudda ah yaallay banaanka hore ee saldhigga Booliska magaalada Baardheere  iyadoo maleeshiyaatku ay diideen in goobta laga qaado ama la duugo.

Maamulka Wilaayada Islaamiga Gedo ee Xarakada Al-Shabaab  oo ay la xiriirtay SomaliMeMo ayaa dhankooda sheegay in aysan jirin wax hawlgal ah oo ay 'Mujaahidiintu' maanta oo Khamiis ah ka fuliyeen Magaalada Baardheere islamarkaana aysan wax shaqa ah ku lahayn dhacdada ka dhacday magaalada Baardheere.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items