10 Askari Yugaandheys ah oo ku dhintay qarax lagula beegsaday degmada Qoryooleey.

Thursday August 08, 2019 - 22:00:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Askari Yugaandheys ah oo ku dhintay qarax lagula beegsaday degmada Qoryooleey.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.



Wararka ka imaanaya duleedka degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in ciidamo Yugaandheys ah lagu laayay qaraxyo lagula beegsaday meel ku dhow degmada Qoryooleey.

Ugu yaraan 10 askari oo katirsan ciidamada AMISOM ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxa halka kuwa kale ay dhaawacyo soo gaareen, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada oo ku harsanayay geed hoostiis uu mar qura haleelay qarax aad u xooggan.

Ciidamada dowladda Uganda ee qaraxa lala beegsaday ayaa sahay kasoo gelbiyay dhanka magaalada Muqdisho waxayna kusii jeedeen saldhigga ay ku leeyihiin tuulada Buula Sheekh ee ku dhow Qoryooleey.



Dhinaca kale gaari Cabdi Bile ah ayaa maleeshiyaadka dowladda Federaalka looga gubay duleedka degmada Awdheegle ee Sh/hoose, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu sababay in gabi ahaan uu burburo gaariga tiknimada ah ee ciidamada dowladdu wateen.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho


 

Related Items