Ganacsade Cali Marguus oo lagu dilay duleedka Magaalada Baydhabo.

Friday August 09, 2019 - 14:20:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Cali Marguus oo lagu dilay duleedka Magaalada Baydhabo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay halkaas ku dileen nin ganacsade caan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay halkaas ku dileen nin ganacsade caan ah.


Dad ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay dileen ganacsade Cali Aadan Xuseen oo (Cali Marguus) ku magac dheeraa kana mid ahaa dadka sida aadka ah looga yaqaan gobollada Baay iyo Bakool.

Maleeshiyaadka qaab beeleed u abaabulan ayaa ganacsadaha ku dhax dilay beertiisa oo kutaal duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Cali Marguus ayaa kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee gobolka Baay wuxuuna dadka ku dhiiri gelin jiray in ay dhulkooda tacbadaan ayna ka maarmaan ku tiirsanaanta raashinka ay bixiyaan hay'adaha shisheeye ee reergalbeedka.


Dilka ganacsadahan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo murun dhuleed oo maalmahaan dhan ka taagnaa deegaannada dhaca duleedyada magaalada Baydhabo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items