Al Shabaab Oo Weeraro ku miray Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Sh/Hoose.

Saturday August 10, 2019 - 10:45:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro ku miray Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Sh/Hoose.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Xalay saqdii dhexe ayay xoogaga Al Shabaab weeraro ku mireen saldhigyada ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ay ku leeyihiin deegaannada Arbacoow iyo Baraawe oo kawada tirsan Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka dhacay saldhigga ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Arbacoow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaasta iyo jugta madaafiic ay labada dhinac is waydaarsanayeen, sidoo kale weerar ayaa lagasoo sheegayaa degmada Baraawe iyo deegaanka Shalaanbood oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada AMISOM.


illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada shisheeye kasoo gaaray weeraradii xalay ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items