Xoogag Jihaadi ah oo Wadanka Maali ka fuliyay Weerar gaadiid looga gubay Ciidamada Q.Midoobay.

Saturday August 10, 2019 - 11:21:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo Wadanka Maali ka fuliyay Weerar gaadiid looga gubay Ciidamada Q.Midoobay.

    Weerar aad u xooggan oo jamaacada Jihaadi ah ay ka fulisay waqooyiga wadanka Maali ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar aad u xooggan oo jamaacada Jihaadi ah ay ka fulisay waqooyiga wadanka Maali ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga wadankaasi.


Wararka ka imaanaya Maali ayaa sheegaya in weerar dhabaggal ah ay lakulantay kolonyo gaadiid ah oo sahay ugelbinayay ciidamada ka socda waxa loogu yeero Q.Midoobay ee duullaanka ku jooga wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Qaacidda wadanka Maali ayaa lagu sheegay in 6 gaari oo nuuca xamuulka qaada ah ay ku gubeen weerar ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Gaawa iyo Taraknat.


Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya gaadiid farabadan oo ku gubanaya wadada hareeraheeda balse illaa iyo hadda tara koob rasmi ah lagama bixin tirada ciidamada ku dhintay weerarkan aadka u xooggaan.

Jamaacada Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta ee ka jihaada wadanka Maali ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanaysa ciidamada Faransiiska iyo kuwa dowladaha AFrika ee ku bahoobay howlgalka Al Barkhaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items