Xiisada Colaadeed oo ka jira magaalada Dhuusamareeb iyo ciidamo waddooyinka lasoo dhoobay.

Saturday August 10, 2019 - 10:44:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada Colaadeed oo ka jira magaalada Dhuusamareeb iyo ciidamo waddooyinka lasoo dhoobay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ay halkaas ka jiraan xiisada colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa daacad u ah kooxaha Mushrikiinta Amxaara kalkaalka ah ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ay halkaas ka jiraan xiisada colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa daacad u ah kooxaha Mushrikiinta Amxaara kalkaalka ah ee Ahlusunna isku magacaabay.


Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa warbaahinta u sheegay in ay dareemayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iskasoo horjeeda, saaka aroortii ayaa waddooyinka magaalada lagu arkay maleeshiyaadka Kooxda isku magacaawday Ahlusunna kadibna waxay ujiheysteen dhanka garoonka diyaaradaha oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan ay doonayaan sidii ay dib ugula wareegi lahaayeen gacanta magaalada oo bishii lasoo dhaafay lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo wata magaca dowladda Federaalka.


Saraakiisha kooxaha mushrikiinta oo xalay kulamo ku yeeshay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa go'aamiyay in wax laga bedelo heshiiskii ay lagaleen Xasan Cali Kheyre islamarkaana hubka laga dhigo ciidamada Dowladda ee Dhuusamareeb ku sugan.

Qaar kamid ah shacabka Dhuusamareeb ayaa barakac billaabay waxayna ka baqayaan in ay dagaallamaan ciidamada hubeysan ee magaalada isla jooga, xiisadahan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaalada xilli dadku udiyaar garoobayaan munaasabadda Ciiddul Adxaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items